9-Nin Oo Budhcad Badeed Soomaali Ah Lagu Xidh-xidhay Magaalada Berbera Iyo Sadex Markab Oo Budhcad Badeed La Soo Gashay Biyaha Somaliland.

April 21st, 2009

hadhwanaag 2009-04-22 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa shalay gacanta ku soo dhigay sagaal nin oo la sheegay inay budhcad badeed yihiin,isla markaana xabsiga Magaalada Berbera u taxaabay.

Sagaalkan nin ee lagu eedeeyey falal budhcad badeednimo ayaa waxa la sheegay in laga soo qabtay meel la yidhaahdo Ceel-daraad 80 KMdhinaca Barri ka xigta Berbera.

Sida waxa Shabakad Hadhwanaagnews u xaqiijiyey dad goob-joog ah oo ku sugan Magaalada Berbera, ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuummad Somaliland oo ku saabsan budhcad-badeedan. hasayeeshe waxa la filayaa in la horkeeno maxkamada sidii kuwii hore-ba oo xukun lagu rido.

via Hadhanaagnews.com.


Login